Go’aanka DFS ee askarta qaba EBOLA

Muqdisho (Caasimada Online) – War  kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Caafimaadka Somalia Ali Mohamed Mohamud ”Ali Hared” ayaa waxaa lagu sheegay in DF aysan Ogolaan doonin in dalka la keeno Ciidamo qaba xanuunka Ebola.

Wasiirka ayaa waxa uu warkiisa ku beeniyay wararka ku aadan in ciidamo kasocda wadamada Galbeedka Africa dhaca ee uu saameeyay Cudurka Ebola loo soo daabulo dalka Somalia.

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay ka go’an tahay in aan wadanka la keenin Ciidamo ka socda wadanka Sierra Leone.

Wasiir Ali Mohamed Mohamud ”Ali Hared” ayaa daboolka ka qaaday in DF ay dhaqan galineyso Heshiis horay ay ula galeen Midowga Africa, waxa uuna Cadeeyay in Askarigii AMISOM ee ku xanuunsado Somalia ay ku celin doonaan dalkiisa, si xanuunkaasi uusan u saameyn Ciidamada kale.

Ali Mohamed Mohamud ”Ali Hared” oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Waxaan kala kulanay madaxda AMISOM arimahan Ebola waxaana saxiixanay inaan Somalia lageenin ciidamo kasocda wadamadan Ebola uu saameeyay”

Sidoo kale, Ali Hared oo qadka telephonka wareysi kusiiyay Wargeyska New vision, ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ah ee Somalia aysan qaadan doonin in gudaha dalka loogu beero Cuduro aan dawo laheyn.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray wasiirka caafimaadka Somalia in isaga masuuliyad ay kasaarantahay arimaha caafimaadka dalka iyo dadkaba marnaba uusan ogolaan doonin wax caafimaadka dalka wax udhibaya.

Dhanka kale, Wasaarada difaaca Xukuumada Somalia, ayaa walaac ka muujisay xanuunada ay qabaan Ciidamada AMISOM oo suuragal ah inay saameyn ku yeelato Ciidamada Xooga dalka, inta lagu guda jiro Howlgalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com