Finland oo lacagtii ugu badneyd ugu deeqday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Finland ayaa sheegtay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ugu deedqay lacag malaayiin Doller ah, taas oo loogu tala galay in wax looga qabto dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira dalka.

Lacagtan oo dhan 8.9 milyan oo Doller-ka Mareykanka ayaa waxaa maanta ku dhawaaqay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Finland, Eric Landberg, wuxuuna sheegay in Soomaaliya lacagtaasi loo soo marsiin doono Bangiga Adduunka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdiisa ay si aad ah ugu faraxsan tahay horumarka ballaaran ee ay sameysay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dib u habeynta lagu sameeyey hay’adaha dowliga wixii ka dambeeyey sanadkii 2012-kii.

“Waxaan ku qanacsanahay horumarka ballaaran ee lagu sameeyay hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya iyo dib u habeynta la sameeyay tan iyo 2012, laakiin caqabado badan ayaa jira, gaar ahaan xaqiijinta gaarsiinta adeegyada meelaha ugu liita” ayuu yiri Danjire Eric Landberg, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Finland.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Finland ay laba jibaari doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, islamarkaana ay kala shaqeyn doonto dowladda federaalka, sidii ay uga gudbi laheyd caqabadaha haatan jira.

Ugu dambeyn Hague Riedel oo ah agaasimaha xafiiska Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa yiri “Finland waxay weli tahay la-hawlgale muhiim u ah Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya.

“Taageerada cusub ee Xukuumadda Finland waxay noo suura galineysaa inaan sare u qaadno taageerada awoodda Dowladda si loo hagaajiyo adeegyada muhiimka u ah Soomaaliya, Finlandna door muhiim ah ayey ku leedahay qaabeynta jihada Sanduuqa,”ayuu hadalkiisa ku sii daray Hague Riedel.

Finland ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka qaaradda Yurub ee sida dhow u taageero Soomaaliya, waxaana ay ka caawisaa dhinacyo kala duwan oo ay ugu horreyso maaliyadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com