Madaxweyne Farmaajo iyo Geelle oo guul-daro weyn kala kulmay loolankii IGAD

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele ayaa u muuqda kuwa guuldaro weyn kala kulmay loolankii kuraasta urur goboleedka IGAD.

Abiy Ahmed, Raysul wasaaraha Itoobiya, isla markaana ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD, ayaa waxa uu si rasmiya u magacaabay xilka xoghayaha fulinta ee ururkaasi, kaasi oo ay hore dad ugu soo sharaxeen Farmaajo iyo Geelle.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shaqsi u diyaariyay in loo magacabo xilkaasi, halka uu Madaxweynaha Jabuuti isaguna u qorsheynayay qof Jabuutiyaan ah in uu buuxiyo booskaasi, balse labadooduba ay guuldaro kala kulmeen kadib magacaabistaasi.

Abiy ayaa xilkaasi wuxuu u magacaabay Dr. Workeneh Gebeyuhu oo hore u ahaan jiray wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi Itoobiya, wuxuuna xilkaasi kala wareegi doona Maxbuub Macalin oo isagu ka soo jeeda dalka Kenya.

Magacaabista Abiy Ahmed ayaa waxay muujinaysa mid soo af-meeraysa dedaaladii Madaxweyne Farmaajo iyo Geelle ku rabeen in xilkaasi loogu magacaabo shaqsi ka soo jeeda labadooda dal, taasi oo ka dhigan inay ku guul-dareysteen loolankii ka socday gudaha IGAD.

Dhinaca kale, waxa soo baxaya warar kale oo sheegaya in Raysul wasaare Abiy Ahmed uu qorsheynayo in uu xilka guddoomiyaha IGAD ku wareejiyo Madaxweynaha dalka Kenya, Uhurru Kenyata, kaasi oo si dadban la iskugu af-gartay shir dhowaan Addis Ababa ku dhex maray madaxda IGAD.

Dowladda Jabuuti ayaa iyadu tobankii sanno ee u dambeeyay dareensaneed in dowladaha Itoobiya iyo Kenya ay iyagu isku wareejinayeen xilalka ururka IGAD, iyadoona madaxda Jabuuti ay aaminsanyihiin in labadaasi dal ay iska bahaystaan dalalka kale ee gobolka, Sida uu daabacay wargeyska The East African ee ka soo baxa dalka Kenya.

Kenya ayaa waxa uu khilaaf xoogani kala dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, halka ay Dowladda Jabuuti ay isku jiidheen kursiga golaha amaanka ee Afrika, halka ay Soomaaliya ay kala dhaxeyso dacwad caalami ah oo dhanka Badda ah dowlada Kenya.

Dowladaha ku bahoobay ururka IGAD ayaa waxa muuqda in khilaaf baahsan ka dhex jiro, taasi oo la saadaalinayo in guddoonka hadda oo ah Abiy Ahmed uu ku howlanyahay isku soo jiidka madaxdaasi iyo dajinta xiisada cusub ee ka dhex aloosan ururka gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa