Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxaan jugtiisa laha maqlay guud ahaan dgmooyinka gobolka banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino lagu qariyey qashin la dhigey wadada dhinaceeda, isla markaana uu sababay dhimashada mid ka mid ah Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Nadaafadda ka Shaqeeya.
Shaqaalaha ayaa aroorta hore waddada ka gura Qashinka la soo dhigo waddada waxaana mid ka mid ah Jawaannadii Qashinka ee ay ka qaadeen Waddada markii ay saareen Gaariga uu qarxay.
Saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxa oo ilaa hadda aysan jirin cid sheegatay kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa Goobta la dhigey ku yaalla mid kamid ah bangiyada dalka,waxaana mudo daqiiqado ah hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.
Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwa dowladda oo aan ka fogeen goobta uu qaraxa ka dhacay,waxana haatan xaaladu ay tahay mid degan.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com