Fiqi: “Faataxada haloo maro Midowga Musharaxiinta”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shaki geliyay in Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ay taageersan yihiin dagaalka lagu qaaday ururka Ahlu-Sunna ee ka socda Guriceel.

Fiqi ayaa sidoo kale su’aal geliyay cidda hortaagan in war-murtiyeed laga mideysan yahay laga soo saaro xiisada dagaal iyo howl-galka ciidamada dowladda ee ka dhanka ah Ahlu-Sunna.

“Midowga Musharixiinta ee wax kasta ka hadli jirey ma hawlgalka Odowaa iyo Qaroole ayay taageersan yihiin!. Yaa hortaagan in warmurtiyeed arrinta Guriceel laga soo saaro!?!?!
Faataxada haloo maro midowga!,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ah Golaha ayaa maanta si shaqsi ah qoraal uga soo saaray dagaalka Guriceel, waana midda tooshka kusii shiday aamusnaanta Midowga Musharaxiinta ay ku wajahayaan xiisadaas.

Xasan Sheekh Maxamuud oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa labada dhinac is-haya ka dalbaday inay si shuruud la’aan u joojiyaan dagaalka haatan ka socda Guriceel.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuura kala fogaansho hor leh. Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.”

Xog ay Caasimada Online baahisay 8-dii bishaan ayaa waxay daboolka ka qaaday in Midowga Murashaxiinta ay ku kala qeybsameen xiisadda ka taagan Galmudug, midaasi oo hor istaagtay in la soo saaro war-saxaafadeed lagu mideysan yahay.

Ilo-wareedyo ka tirsan Midowga Murashaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay inay kala noqdeen dhinacyo taageersan Ahlu-Sunna, dhinacyo taageersan maamulka Qoor Qoor iyo kuwa dhex-dhexaad ah oo aan meelna jirin.

Ma cadda sida uu khilaafkan ku dhammaan doono, waxayse u badan tahay inaanu marnaba golaha soo saari doonin war-saxaafadeed wadajir ah oo la xiriira xiisadda dagaal ee Ahlu-Sunna iyo Galmudug.