Geerida Taliye Fayfle oo la filayo inay xiisad ka dhex-abuurto DF iyo Mareykanka

Guriceel (Caasimada Online) – Geerida Taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug Cabdiladiif Axmed Fayfle oo shalay lagu dilay dagaalkii Guriceel ayaa la filayaa inay xiisad ka dhex abuurto dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka.

Ciidanka Danab ayaa waxaa tababara oo mushahaarkooda bixiya dowladda Mareykanka, waxaana loogu tal-galay oo kaliya inay la dagaalamaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u diiday isku dayo dhowr ah oo dowladda federaalka ay dooneysay inay ciidankaas ugu adeegsato dagaallo aan aheyn kuwa Al-Shabaab, waxaana ka mid ah dagaalkii Muqdisho ku dhex-maray ciidan Farmaajo taageersanaa iyo ciidamadii Badbaado Qaran ee kasoo horjeestay muddo kororsiga.

Geerida Taliye Fayle ayaa hadda dhalineysa su’aalo la xiriira cidda amartay inay isaga iyo ciidankii Danab ee la dilay ay aadaan Guriceel oo ay ka qeyb-galaan dagaal aan aheyn midka Al-Shabaab, kadibna halkaas lagu dilo.

Mareykanka ayaa Ahlu-Sunna u arka koox awood leh oo loo adeegsan karo in Soomaaliya laga cirib-tiro Al-Shabaab, waxaana inay dagaalamaan kooxdaas iyo ciidankii ay tababareen ee Danab ay guul u tahay Al-Shabaab.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay u madax-banaan tahay inay ciidankeeda u adeegsato sida ay doonto, haddana Mareykanka maadaama uu bixiyo tababarka iyo mushaharkan Danab, wuxuu awood u leeyahay inuu joojiyo.

Mareykanka wuxuu sanadii 2019 joojiyey kalamadii lacageed ee uu siin jiray ciidanka dowladda kadib eedeymo la xiriiray musuq-maasuq inkasta oo sanad kadib dib loo fasaxay kaalmada.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shalay sheegay in taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf  Raage uu Taliye Fayfle ugu hanjabay in gabi ahaanba ciidanka laga saarayo, hadii uusan hoggaamin dagaalka.

“Waa ka xumahay warka la ii sheegay ee ah in Taliye Odowaa uu amar dul dhigay Taliye Fayfle ah in uu kala doorto in ciidamada laga saaro ama uu dagaalka galo, waa ayaan darro weyn dagaalka hadda socda oo lagu laynayo saraakiishii waxgalka ahayd,” ayuu yiri Fiqi.

“Taliye Fayfle waxaan ku wada jirnay dagaalkii labada bilood qaatay ee koofurta Mudug lagula jiray kooxda argagixisada ah, wuxuuna ahaa nin geesi ah, dulqaad badan isla markaana mabda’ ay ka ahayd la dagaalanka argagixisada,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Fiqi.