SARAAKIIL dhaawac ah oo Isbitaal lagala baxay iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalka ka socda Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Guriceel ayaa sheegaya inuu socda dagaalka u dhaxeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu-Sunna oo dhinac ah, inkasta oo aanu sidii shalay u xooganeyn.

Dagaalka ayaa maanta xoogiisa ka socda halka loo yaqaan Jaamacadda ee ku taalla Waqooyi Beri ee degmadda Guriceel, waxaana la maqlayaa rasaas iyo madaafiic ay dhinacyada is-weydaarsanayaan.

Sida ay dad goobjoog ah u sheegen Caasimada Online, Madaafiic qeyb ka ah kuwa labada dhinac isku adeegsanayeen ayaa ku dhacay Isbitaalka Istarliin ee degmada, kaasi oo sababay burbur xoogan iyo in shaqaalaha Isbitaalka ay naftooda uga baxsadaan.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in Saraakiisha hogaamineysay ciidamada Ahlu-Sunna Waljamaaca oo dhaawac ah ay ciidamada dowladda kala baxeen Isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha oo magacyadooda lagu kala sheegay; Cali Faarax, Cali Xade iyo Maxamuud Tashade ayaa waxay kamid ahaayeen Saraakiishii la qarameeyay xilligii Ahlu-Sunna la heshiisay maamulka Qoor-Qoor.

Saddexda Sarkaal ayaa ka bar-bar dagaalamayey Ahlu-Sunna, waxaana Gaalkacyo loo geeyay si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Dagaalka oo illaa hadda socda ayaa waxa ka dhashay khasaaro badan oo kala duwan, illaa haddana si rasmi ah loo xaqiijin karo, maadama ay adag tahay xaalada oo kacsan awgeed.

Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa xudun u noqotay xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowlad goboleedka Galmudug, waxaana ka barakacay kumanaan shacab ah.