Fiqi oo hal ku-dhig cajiib ah u sameeyay kulankii duurka ee Kheyre iyo Xaaf

Godinlabe (Caasimada Online) –Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa hal ku-dhig cajiib ah u sameeyey kulankii maanta deegaanka Godinlabe ku dhex maray ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha Galmuudg Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa degaanka Godinlabe kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta kasoo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu Fiqi kulankaas ugu yeeray “kulankii xafiis-duureedka.”

“Kulankii Xafiis-duureedka Madaxweynaha Galmudug iyo Raysulwasaaraha xukuumadda oo muddo sanad ku dhow ay suurtoobi waydey in lagu kulmo xafiisyada qurxoon ee Villa Somalia balse duurka Godinlabe ka suurtagalay! Madaxdii luuqluuq marow baratey, duurka in ay timaado laaziman waaye!” ayuu yiri Fiqi.

Soo dhoweynta Xaaf iyo inuu Kheyre ka hortagay ayaa lama filaan noqotay marka la eego wixii dhex maray labada dhinac iyo xiisadda siyaasadeed ee sanadaha u dhaxeysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira in sidii Maamulka Galmudug wadajir loogu dhisi lahaa, iyadoo dadka deegaanka ay u dhan yihiin, waxaana dowladda Federaalka ay meesha ka saartay isku day markii hore la qabay oo ahaa in hal dhinac ay la xaajooneyso oo kaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah