Sawirro: Sidee safaaradda Soomaaliya ee Nairobi u xustay maalinta 26-ka June

Xaflada 26 june oo ku aadan maalintii calan Soomaaliya laga taago gayiga soomaaliya, ayaa xaflad loogu dabaal dagayay waxay ka dhacday xalay xaafada Soomaalida dagto ee islii magaalada Nairobi.

Madaxda safaarada iyo marti sharaf kale ayaa ugu Hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, ayaga oo shacabka ugu baaqay inay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga.

Ambassador Maxamed Axmed Nuur Tarsan, safiirkii Soomaaliya u fadhiyey wadanka Kenya,Qunsulka 1 ee safaarada ahna safiir ku-

xigeenka safaaradaasi aways amiin sheikh, Xog-hayaha safaarada xabiib aqoonyahano uu ka mid ahaa Dr faarax Bursaliid, Hodon Ciise, Culumo, shukri afrah oo ka mid ah Wariyayaasha Somaliyeed iyo marti kale ayaa goobta aad u Qurxiyay.

Dan jire Tarsan ayaa ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay Xusida Munaasabada 26 juun iyo 1 luliyo.

Safaarada Soomaaliya ee Kenya ayaa markii ugu horaysay waxay xafladan ku qabatay xaafada Soomaalida Dagto ee islii, ayada oo looga bartay in Munaasabadaha 1 luliyo iyo 26 june lagu qabtay goobo kale oo ka baxsan Xaafada islii, tani ayaa muujinaysa is badal ay la yimaadeen safiir Tarsan iyo Danjire aways amiin, waxaana xalay Somalidii halkaas iskugu timid ka muuqday farxad, taasi oo ay dhib kala kulmi jireen in ay aadaan xafladahaasi, waxaana uga bixi jiray Qarash badan oo uu ku jiro in ay Raacaan Tex waqti danbana ay u soo hoydaan Xaafa islii.

Wariye: Cabdixakiim Cilmi Xasan
Nairobi kenya