Fiqi oo ku gacan seyray raali-galintii Basmo, dalab cusubna diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa ganafka ku dhuftay raali-gelintii ay Basma Caamir ka bixisay gefkii ay kula kacday xulka Galmudug.

Fiqi ayaa sheegay in hadalka ay raali-gelinta ka bixisay Basmo uu ahaa mif gef ah, isla markaana lidi ku ahaa ujeedadii tartanka ciyaaraha loo qabtey, taasi oo ku qotontay is-dhexgal bulsho iyo walaaltinimo.

“Hadalka gabadhan (Basmo) waa mid gef ah oo u muuqda inuu liddi ku yahay ujeedadii tartanka cayaaraha loo qabtey oo ah isdhexgal Bulsho iyo walaaltinimo, iyo in 90-ka daqiiqo ee cayaartu socoto loo daayo hadalada taageerada ah ee aan xanafta laheyn,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu yiri “Gobolka Banaadir reer Galmudug cidna kama xigsan karto, xaafadaha ay sheegtey in badan oo kamid ah waxaa deggan dad kasoo jeeda Galmudug. cayaartoyda Galmudugna meesha ay tagayaan ama ay joogayaan ayaga ayaa xor u ah oo ma ahan mid ayada ay go’aankeeda leedahay ama wax laga weydiinayo.”

Waxa uu si kulul u dalbaday in Basmo ay hadalkaas ka bixiso cudur daar u dhigma qaabkii hadalada gefka ahaa ay u tiri, si loogu qanco raali-gelinteeda.

“Anigoo ixtiraamaya Maamo Basmo, haddana waa in ay si lagu qanci karo oo u dhiganta qaabkii hadalada gefka ah ay u tiri uga cudurdaarataa hadalkeedan,” ayuu yiri ugu dambeyntiina Fiqi.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir, Basmo Caamir ayaa raali-gelin ka bixisay hadalkaas oo ay shalay ka sheegtay guusha ay tartanka ciyaaraha ka gaareen xulka gobolka Banaadir.

Basmo ayaa sheegtay inay ka awood badatay xamaasada guusha uu gobolkeedu qaaday, taasina ay keentay inay u gefto ciyaartoydii Galmudug oo rigoore kaga badiyay xulka Banaadir.

“Raali-gelin ayaan ka bixinayaa hadalkii ahaa ‘ciyaartooyda xulka Galmudug waxay ku laabanayaan’ waxaa i qaaday xamaasada Koobka ay hanteen Xulka G.Banaadir, Ma qaldame waa alle,” ayey tiri.

Hadalka Basmo ee ay ku weerartay xulka Galmudug ayaa hadal hayn badan dhaliyey, gaar ahaan baraha bulshada, kaasi oo looga hadlay siyaabo kala duwan.