Fiqi oo Rooble ka difaacay kiis afduub ah oo lagu eedeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa soo saaray qoraal uu ku difaacayo Ra’iisul Wasaare Rooble oo horay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad uu ugu eedeeyey inuu ka dambeeyey afduub loogu geystay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Fiqi ayaa sheegay in Rooble uu ku amaanan yahay in meel ammaan ah uu soo gaarsiiyey Soomaaliya oo soo martay marxalad hubanti la’aan ah, isagoo farta ku fiiqay xubno uu sheegay inay ku howlan yihiin sidii ay u suurad xumey lahaayeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Ra’iisul wasaare Rooble wuxuu maanta qabtay shirkii u danbeeyey ee golihiisa wasiirada. Shaqo wacan ayuu qaranka u qabtay oo la mahdiyey, wuxuuna dalka ka saaray xaalad hubanti la’aan ah, wuxuuna dalka gaarsiiyey meel ammaan ah. Waana ku mahadsan yahay,” ayuu ku bilaabay qoraalkiisa.

Qoraalka Axmed M. Fiqi ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan arkayaa shakhsiyaad raba in ay wasaqeeyaan magaciisa iyo maamuuska uu ku dhex leeyahay umadda, ayagoo wax aan jirin ku nabaya, kuwaas oo aad moodid in gacmo kale ay ku dhex jiraan ama laga soo dhex hadlayo afafkooda.”

Sidoo kale Fiqi ayaa su’aal geliyey aqoonta uu sheeganayo qof ay aaminsan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu Nairobi ku afduuba karo qof shacab ah, iyadoo la ogyahay in dalkaas ay ka jiraan hey’ado amni oo adag iyo garsoor.

“Sidee Nin Weyn oo aqoon sheeganaya ugu eedeynayaa RW Rooble in uu Nairobi afduub ka geystay? Nairobi dawlad leh hey’adaheeda garsoor iyo amni kama jirto miyaa? aqoonta intaas tusin weysay maxay tahay faa’idada laga sugayo qofkeeda? Waxaa haboon in waxyaalaha qaarkood laga xishoodo, dadkana wacyigoodu waa joogaaye aan caqliyadooda lagu cayaarin!” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Macalin Fiqi.

Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah aqoonyahan degan Nairobi ayaa Ra’iisul wasaare Rooble ku eedeeyey inuu ka dambeeyey afduub ay u geysteen hey’adaha sirdoonka Kenya oo maalmo uu u xiraa, waxaana maalmahaan soo cusboonaatay hadal-heynta kiiskaan.

Professor-ka ayaa sheegay in Rooble uu dacweynayo, isagoo cadeeyey inuu qabsaday qareeno u dooda, isla markaana uu hayo cadeymo muujinaya in afduubkiisa uu soo abaabulay R/wasaare Rooble.

Sidoo kale Prof. Cabdiwahaab ayaa wareysi uu bixiyey maalin ka hor wuxuu ku sheegay in Rooble uu iska cafinayo hadii uu u cadeeyo inuu ku lug lahaa kiiskaas ama uu ugu dhaarto in uusan soo maleegin qorshihii lagu afduubtay, xilli uu dhex marayey magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.