Daawo: Guddiga maamula isbitaalka Ceelbuur oo si yaab leh u difaacay Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal ka soo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa beeniyey in kooxda Al-Shabaab ay kala wareegtay isbitaalka guud ee degmadaas oo shalay ay soo yeereen warar sheegaya in kooxdu ay la wareegtay, kana saartay bukaanadii ku jiray.

Cumar Salaad Faarax oo ah guddoomiyaha guddiga maamula isbitaalka Ceelbuur oo dadka deegaanku ay isku tashi ku dhisteen ayaa sheegay in warkaas uu been yahay oo wax culeysa aysan uga imaan kooxda Al-Shabaab.

Cumar ayaa sheegay in marnaba aysan ka suurtaabin in koox kala wareegtay isbitaalkaas ay u ceeb qariyaan, isagoo sheegay in isbitaalkaas uu sidii loogu talo galay ugu shaqeynayo bukaanada deegaanka.

Sidoo kale odayaashii kale ee guddiga maamula isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur ayaa sheegay warkaas ay beeninayaan, iyagoo codsaday in lagu gacan siiyo bixinta adeegyada caafimaad ee isbitaalkaas uu u haayo bulshada reer Ceelbuur.

Sida dad ku nool degmadaas ay shalay u soo dusiyeen warbaahinta, kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xoog kula wareegtay isbitaalkaas, si dhaawacyadii ka soo gaaray weerarkii Baxdo ay ugu daweystaan.

Warbixintaan shalay faaftay waxay sheegeysay in kooxdu ay banaanka u saartay bukaanadii kale ee isbitaalka yiilay, balse arrintaas waa beeniyeen xubnaha guddiga ah ee maamula isbitaalkaas oo dadka degmada Ceelbuur ay isku tashi ku dhisteen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa si xun ugu jabtay weerar ay Jimcihii lasoo dhaafay ku qaaday degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas looga laayey dagaalyahano 100 kor u dhaafaya, iyagoo dhaawacyo badan geystay degmooyinka Ceelbuur, Xarardheere iyo deegaano kale.

Hoos ka daawo hadalka guddiga maamula isbitaalka Ceelbuur