Guddoomiye Aadan Madoobe oo war kasoo saaray xirnaashaha Mukhtaar Roobow

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka hadlay xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), oo u xiran dowladda federaalka.

Mukhtaar Roobow Cali ayaa xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho, tan iyo 13-kii bishii December ee sanadkii 2018, markaas oo Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka soo xirtay magaalada Baydhaba.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo BBC ay wax ka weydiisay waxa uu ka aaminsan yahay xarigga Abuu Mansuur ayaa ku jawaabay “Markii la xirayay dadkii ka hadlay baan ka mid ahaa, oo markii hore si sharci darro ah ayaa lagu soo xiray.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay ayuu yiri “Mukhtaar Roobow, horta asalkiisa waa la ogyahay in nimankan Shabaab uu ka mid ahaa, lama soo qabanin ee isagaa ka tanaasulay, dowladdana la soo xiriiray, isna soo dhiibay oo yimid. Dowladda waa cafisay, waxaa la siiyay basaboor diblomaasi ah, doorashuu codsaday, waa loo ogolaaday, yacni waxaa la siiyay shahaadadii doorashada, markaas ka dib ayaa si siyaasi ah looga diiday inuu doorashadii ka qayb qaato.”

Waxa kaloo uu yiri “Marka aniga xiritaankiisa dadkii diidanaa baa ka mid ahaa, illaa muddadii uu xirnaana kuma qanacsanayn, inuu gardarro ku xiran yahay waan u jeeday. Haddana koley dadka markii hore gardarradaasi ku sameeyay oo awoodaas ku maquuniyay, maanta ayagii xilka ma hayaan.”

Aadan Madoobe ayaa aaminsan in hadda wixii ka dambeeya uu Abuu Mansuur heli doono caddaalad, si lamid ah dadka kale ee Soomaaliyeed.

“Waxaan u maleynayaa hadda inuu heli doono caddaalad oo ummadda Soomaaliyeed la mid noqon doono, oo ciqaabta la geliyay inuu ka bixi doonnaa aaminsanahay.” Ayuu yiri Aadan Madoobe.

Abuu Mansuur oo horey u soo noqday ku xigeenka Amiirka Al-Shabaab ayaa sanadkii 2017 isu soo dhiibay dowladda federaalka, isaga oo warbaahinta ka sheegay in uu ka tanaasulay fekerka khalafsan ee Shahaabnimada.

Dowladdii hore ayaa la fahamsan yahay in xilligaasi ay Abuu Mansuur u arkeysay ninka keliya ee caqabadda ku noqon kara shakhsigii ay u waday jegada madaxtinimada ee Maamulka Koonfur Galbeed, isagoona Baydhabo ka waday olole xoog leh oo uu ku doonayay inuu kula wareego xafiiska maamulkaasi.