Fiqi oo shaaciyey arrin uu Abiy u sheegay dadkiisa kadib safarkii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay arrin uu sheegay in ra’iisul wasaraaha Ethiopia, Abiy Ahmed uu u sheegay dadkiisa kadib booqashadii Muqdisho. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi.

“Raysulwasaaraha Itoobiya asagoo sidii nin soo guulaystay u warramaya ayuu dadkiisa u sharraxay faa’idadii uu kala soo noqday booqashadiisii saacadaha kooban qaadatay ee Soomaaliya ku tagay, wuxuuna hadalkiisa ku daray sida dadka luqada amxaarada yaqaana ay noo sheegeen in la isla gaaray in uu kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya sidii labada dal la isugu dari lahaa mustaqbalka dhow.!!!

Si la mid ah sidaan bishii August 2017 markii Qalbi dhagax madaxda Villa Somalia ay dhiibeen, wasiir Itoobiyaan ah ayaa noo sheegay in Qalbi Dhagax lagu soo wareejiyey, taasoo keentay toban casho ka dib in xukuumaddu war aan maangal ahayn ay arintaas ka soo saarto.!!!

Soomaalida ayaa ku maahmaahda “ Xaglo geel wax gunti lagu qariyo ka weyn”, madaxweynaha waxaa xaq loogu leeyahay inuu umadda u faahfaahiyo weliba si aan mugdi ku jirin heshiis ku sheegga shalay uu la gaaray Abiy Axmed, kaasoo u muuqda mid ka hooseeya hankii Soomaaliya, taariikh kumanaan sano soo socotayna 4 saacadood oo kaliya lagu soo gabagabeeyey.

Abiy Axmed wuxuu la yimid fikirkii Mingisto Haille Mariam uu bartamihii todobaataneeyadii uu soo bandhigay ee ahaa in Somalia iyo Ethiopia ay midoobaan oo hal dal ay noqdaan, laakin fikirkaas ma noqon mid laga soo dhoweeyo taliskii mileteriga ee Dalka u talinayay, waxaana jawaabtii noqotay in dagaalkii 77 dii uu qarxo .. balse hogaanka dalka oo ay ku dhib tahay In uu nabad ka dhigo gobolka Banaadir oo xukunkiisu ku eg yahay weliba dadkii Muqdisho Cadaab wadareed ay kala kulmayaan maamulka villada, waa la yaab awoodda uu ku bixin karo dekedo isla markaana uu ku gali karo wadahadal in Ethiopia lala midoobo halka ay ka imaanayso waa wax mudan in la is weydiiyo..

Taariikhda dalka iyo dawladnimadiisu ma ahan mid hal ruux marti looga yahay, heshiis kasta oo cid kale lala galana waa in la horkeenaa hey’adaha sharci-dejinta..”