Fiqi oo war kasoo saaray shirka Dhuusamareeb 3 iyo mowqifka GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasiirka Amniga gudaha Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi sidoo kalana ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu dadaal xooggan ugu jiro sidii Shirka Dhuusamareeb 3  u noqon lahaa mid ay kasoo qeyb galaan dhammaan maamul Goboleedyada dalka.

Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in shirka Dhuusamareeb uu kusoo aaday waqti xasaasi ah isla markaasna ay jirto kalsooni xumo badan loona baahan yahay in lala yimaado isu tanaasul iyo wadatashi..

Fiqi ayaa carabka ku dhuftay in Maamulka Galmudug uu dhex dhexaad u yahay dhinacyada uu ka dhaxeeyo shirka Dhuusamareeb 3 balse ay Galmudug kaliya u madax banaan tahay mowqifkeeda gaarka ah. Mowqifka ka Galmudug ayaa la sheegay inuu yahay inay la safatay madaxweynaha.

Inkasta oo Fiqi uu maamulkiisa si shaacsan difaacay, haddana xog aan helnay ayaa sheegeysa inuu ka xumaaday habka Qoor Qoor u wajahay shirka, kuna aqbalay dalabaadka madaxweynaha. Si kastaba, Fiqi iyo xubnaha kale ee Galmudug ay isku dayayaan in khilaafka maamulka aan dibedda loo soo saarin.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Fiqi soo dhigay Facebook oo dhameytiran

Madaxda Galmudug waxay dadaal xooggan iyo xiriiro joogto ah ku bixinayaan sidii Shirka lagu gorfaynayo arrimaha siyaasadda dalka looga soo wada qeybgali lahaa.

Galmudug gogosha taalla waa mid Soomaaliyeed, kuna soo aaday waqti xasaasi ah oo kalsooni xumo badani ay jirto, balse marxalada dalku marayo iyo waqtiga la joogaba waxay waajibanayaan In isu tanaasul, wadatashi iyo wada-oggol looga gudbo lana wada yimaado Shirka Dhusamareeb 3.

Dawladda Galmudug marka laga reebo mawaaqifteeda ka maamul ahaan oo ay xaq u leedahay, waxay u dhexaysaa madaxda ku ballantay Shirka Dhusamareeb 3 mana jirto dhinac ay u janjeerto iyo dhinac ay ka xaglinayso.