James Swan oo shaaciyey waxa kasoo baxay isku dayo lagu qancinayey SACIID DENI iyo Axmed Madoobe

New York (Caasimada Online) – Wakiilkada xogahayha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Puntland iyo Jubaland ay diideen inay tagaan shirka Dhuusamareeb 3, kadib isku dayo la sameeyey.

Warar saaka soo baxay ayaa sheegayey in Saciid Deni yo Axmed Madoobe lagu qanciyey inay tagaan shirka, hase yeeshee ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia ayaa Caasimada Online inay mowqifkooda mar kale bedeleen maanta.

“Waxaan fahamsanahay inay jiraan aragtiyo kala duwan oo ka dhex jira hogaamiyaasha siyaasadeed. Si kastaba ha noqotee, xilliyadaan oo kale  waa waqti aad loogu baahan yahay hoggaamiyeyaasha qaranku in ay wada hadlaan oo ay soo bandhigaan fikradooda ugu wanaagsan si ay u helaan xalka danaha dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri James Swan.

“Waxaan ka xunnahay inay shirka muhiimka ah ee Dhuusamareeb ka maqan yihiin madaxweynayaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Islam Madoobe. Waa ahayd niyadjab inay diideen ka qeyb galka shirka, inkastoo codsiyo badan ay u direen hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Beesha Caalamka.”

James Swan ayaa sheegaya in xalka Soomaaliya uu yahay kaliya heshiis siyaasadeed oo sal ballaaran leh, maadaama aysan jirin maxkamad Dastuuri ah iyo hay’ad garsoor oo la isku halleyn karo oo xallisa jahwareerka dastuuriga ah.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ka cabanaya ballamadii ay horey uga baxday dowladda federaalka ayaa dalbanaya in beesha caalamka ay goobjoog ka noqoto wada-hadallada, hase yeeshee ma muuqato in Villa Somalia ay aqbali doonto dalabkaas.