France oo ku dhowaaqday tallaabo farxad gelisay Muslimiinta adduunka.

France ayaa ka farxisay muslimiinta adduunka, kadib markii ay qaaday tallaabo xaqiijin karta helitaanka dal madax banaan oo ay yeeshaan walaalaha muslimka ah ee Falastiin.

Xukuumadda Paris waxa ay xaqiijisay inay u codeyn doonto dhinaca Falastiin, marka Qarmada Midoobe ay dhammaadka toddobaadkan cod u qaado Heerka Falastiin ee QM.

Wasiirka arrimaha dibedda France Laurent Fabius, ayaa sheegay in dalkiisa uu muddo fog taageerayay damaca ay Falastiin ku dooneyso inay dal ku noqoto ayada oo aan wax walaac ah ka qabin.

Falastiinyiinta ayaa weydiisanaya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe inuu is-beddel ku sameeyo heerkooda joogitaan, oo iminka ah kaliya Kormeere joogto ah “Permanent Observer”, loona beddelo Dal Kormeera ah, balse aan xubin ka ahayn QM “Non-member Observer State”.

Israel iyo Mareykanka, ayaa kasoo horjeeda tallaabadan oo cod loo qaadi doono dabayaaqada toddobaadkan.

Waxa ay ka walaacsan yihiin in Falastiiniyiintu ay isku dayayaan inay si rasmi ah dal u noqdaan, ayaga oo maraya Qaramada Midoobe, intii ay ku raadin lahaayeen wada xaajood, sida ku dhigan heshiiskii Oslo ee 1993-kii, oo lagu dhisay Maamulka Falastiiniyiinta “Palestinian Authority”

Washington, waxa ay ka digtay in tani ay waxyeeleyn doonto intii ay ka caawin lahayd wada xaajoodyada mustaqbalka.