Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ka hadlay shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ee maanta ka qabsoomaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
C/wali Gaas, ayaa sheegay in talaabo hormarineed ay tahay in xiligaani Shirka Golaha Wasiirada uu ka dhaco magaalada Kismaayo.
Waxa uu C/wali Gaas, tilmaamay in dowladnimadu ay tahay mid saldhig u ah sinaanta iyo horumarka waxa uuna taageeray qorshaha cusub ee Xukuumada.
Wuxuu sheegay in Xukuumada Somalia laga doonaayo in Shirka Golaha Wasiirada ay gaarsiiso dhammaan caasimadaha maamul Goboleedyada.
C/wali Gaas, waxa uu carab dhabay in talaabada noocaasi ah uu horumar usii kordhinaayo Xukuumada oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay aanu qaadin talaabo dhiiri galinkarta maamulada.
Dhinaca kale, Hogaamiyaha maamulka ayaa ballanqaaday in dhankooda ay ka muujin doonaan isbedel dhanka howlaha ah, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay taageersan yihiin go’aanka Shirarka Xukuumada lagu gaarsiinaayo caasimadaha maamu Goboleedyada.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

