32.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog dheeri ah: Sidee ayuu u qarxay Gaarigii weynaa ee kusoo wajahnaa Muqdisho?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Koontarool ciidan oo ku yaala duleedka Muqdisho, gaar ahaan halka lagu magacaabo Siinka Dheer.

Gaarigan ayaa kasoo baxay Degmada Afgooyen ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxa uuna kusoo fool lahaa magaalada Xamar ee caasimada Somalia.

Gaariga ismiidaaminta fuliyay ayaa ahaa nooca loo yaqaan ”Dheeno”, waxaana ku rarnaa Qaraxyo aad u tan cuslaa.

Darawalka Gaariga ayaa ismiidaaminta fuliyay xili ay ciidamada NISA ee ku sugan Koontarool Siinka Dheer ku hayeen baaritaan, waxaana fashil kadib ismiidaamiyay wadaha Gaariga oo cabsi ka qabay inuu u gacangalo ciidamada.

Gaariga ayaa la xaqiijiyay inay saarnaayen waxyaabo kala duwan oo ay ku jiraan Jawaano, dhuxul iyo qudaar, waxa uuna ujeedka rarka ahaa si loogu indha sarcaadiyo ciidamada, hase yeeshee waxa uu tuhun ka galay ciidamada.

Xiliga uu Gaariga Qarxaayay waxaa hareerihiisa ku sugnaa ciidamo, dad shacab ah iyo Gaadiid Koontoroolka u taagnaa inay usoo gudbaan magaalada Xamar.

Saraakiisha goobta gaaray ayaa sheegay in qaraxan ay ku nafwaayen ilaa Shan ruux, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya Siddeed ruux oo u badan dad shacab ah oo la socday Gaadiid saf ugu jiray soo galida Xamar.

Sidoo kale, Ciidamada NISA ayaa gacanta ku haya raggii watay gaariga Dheenada oo doonayay in la soo geliyo magaalada Muqdisho.

Talaabada lagu qabtay Gaariga ayaa kusoo aadeysa xili aad loo adkeeyay amniga Koontaroolka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News