Gaashaanle dil u geystay taliye ku xigeenkii ciidamada Badda Somalia oo Maxkamad la soo taagay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga heleyo xarunta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida  ee Soomaaliya ayaa sheegaya in xarunta Maxkada ay ka bilaabatay  dhageysiga Kiis dil ah oo la xariira dilkii dhawaan Magaalada Muqdisho loogu geystay Taliye Ku xigeenkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Saciid Aadan Yuusuf (Siciid Mariino).

Dilkaas ayaa waxaa geystay Gaashaale sare Cabdinaasir Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya, islamarkaana Saciid Mariino ku dhex dilay Xafiiskisa bishii aan ka soo gudubnay ee sanadkaan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan xarunta Maxkamadda kuwaa soo dhageysanaya sidda ay u socota Maxkamadeynta eedeysanaha.

Dhageysiga dacwada ayaa ka socota Xarunta Maxkada Ciidamada Qalabka sida, waxaana maxkamadeentaan ku soo beegmeysaa xili maanta ay u dabaal dagayaan ciidamada Badda sanad guuradii 53 ee ka soo wareegatay xiligii la aas aasay 1965.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugan xarunta Maxkamadda kuwaa soo dhageysanaya sidda ay u socota Maxkamadeynta eedeysanaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com