Gabar laga soo tuuray dabaq kadib markii maanta kufsi loogu geystay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhacdo argagax leh ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho kadib markii gabar kufsi loo geystay laga soo tuuray dabaq ku yaalla dagmada Waabari.

Gabadhaan yar waxaa magaceeda lagu sheegay Xamdi Maxamed Faarax oo deegaankeedu ahaa dagmada Dayniile, gaar ahaan xaafada Raadeerka.

Gabadhaan waxey ka mid aheyd ardaydii sanadkaan ka qalin-jabiyay dugsiga sare, balse wali laamaha amaanka Soomaaliya kama hadlin dhacdadaan, walow ay warbaahinta u xaqiijiyeen waalidiinteeda.

Qaar ka mid ah ehelada gabadhaan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa dalbaday in cadaaladda la horkeeno dadka geystay falkaan foosha xun, waxeyna warbaahinta u sheegeen in la xaqiijiyay kufsiga loo geystay gabadha yar ka hor inta aan dabaqa laga soo tuurin.

Falalka kufsiga ah ee loo geysanayo gabdhaha da’da yar ayaa kusoo badanaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, dhacdadaan ayaana ah midda ugu dambeysa ee la hadal haayo iyadoo la filayo in la amba-qaado xal ka gaarideeda.