Xog: Qoor Qoor iyo saraakiil Imaaraati ah oo Nairobi ku yeeshay kulan qarsoodi ah

Nairobi (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa safarkii deg degga ahaa ee madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu shalay ugu baxay magaalada Nairobi.

Qoor Qoor oo diyaarad gaar ah ka qaatay Xamar, ayaa deggay hotelka Four Points Hotel oo ku dhex yaalla garoonka Joma Kenyatta, halkaasi oo uu kula kulmay sarkaal Imaaraatka u qaabilsan Geeska Afrika oo lagu magacaabo Xuseen Darwiish Al-Shamsi

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Qoor Qoor iyo mas’uuliyiinta Imaaraadka ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii Galmudug looga caawin lahaa dhismaha garoonka diyaaradaha Dhuusamareb, iyo sidii loo qaban qaabin lahaa kulan dhex-maray Qoor Qoor iyo madaxda sare ee Imaaraadka.

Galmudug ayaa sidoo kale raadineysa in taageero laga siiyo dhismaha ciidankeeda iyo mushaharkooda oo ay aad ugu baahan tahay, taasi oo Imaaraadka diyaar la yahay marar badanna u yaboohay.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan markii hore la qorsheeyay inuu ka dhaco Jabuuti laakiin ay diideen Imaaraadka Carabta, ayna dalbadeen inuu ka dhaco magaalada Nairobi.

Kulankan ayaa dhaawac xooggan gaarsiin kara xiriirka Qoor Qoor iyo madaxweyne Farmaajo oo ku xiran dowladda Qatar, oo ah dowlad saaxiib dhow la ah dowladda federaalka, aadna ay u xifaaltamaan Imaaraadka.

Wararka ayaa sheegaya in Galmudug ay ka carreysan tahay in dowladda Qatar ay ka baxday ballan-qaadkii dhismaha dekedda Hobyo. Qatar ayaan sidoo kale wax taageero ah oo muuqda siin Galmudug iyo maamul goboleedyada kale ee dalka.