TAIWAN oo ‘dhibaato kala kulantay’ xiriirka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Taiwan Joseph Wu ayaa sheegay inay cadaadisyo xoogan kala kulmeen xiriirka cusub ee ay la sameysteen Somaliland, xili uu dhawaan ka qeyb galay munaasibadda furitaanka xafiiska Somaliland ee Taipei.

Taiwan ayaa culeyso xoogan oo dhanka dibedda ah kala kulantay xiriirkeeda Somaliland, taasi oo ay diyaar u yihiin u dhabar adeygidooda, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda ee xukuumaddaasi.

Joseph Wu ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in Somaliland iyo Taiwan wadaagaan qiyamka guud, isla-markaana ay Taiwan ka caawinayso Somaliland horumarinta Kalluumaysiga, Beeraha, Tiknoolajiyadda, Waxbarashada iyo Arrimo kale oo horumarineed.

“Xafiis-wakiilkeedka Somaliland ka furatay Taiwan wuxuu baal cusub u furayaa xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan” ayuu yiri Wu.

Wuxuuna intaas kusii daray “Labadayada dhinac waxaanu la kulanay Cadaadisyo dibedeed, laakiin waxaanu diyaar u nahay inaanu difaacno”.

Xiriirka Somaliland iyo Taiwan ayaa waxa meel adag iska taagay Shiinaha, iyada oo kasii dartay maadama ay Taiwan si rasmi ah xafiiskeedii uga furatay Hargeysa, halka Somaliland uga furatay  Taipei, iyada oo uu diidan yahay Shiinuhu.