Shirka wada-tashiga DF iyo maamul goboleedyada oo ay caqabad kale hor-istaagtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo saaka lagu waday inuu ka furmo magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa markale dib u dhacay, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ballantu aheyd inuu furmo Khamiistii la soo dhaafay, balse uu baaqay kadib waxaa Villa Soomaaliya ay shaacisay inuu bilaaban doono shirka 12-ka bisha Septemeber oo maanta ku beegan, hadane uu dib uga dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in dib dhacan uu sababay safarada deg-dega ah ee ay galeen Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Galmudug oo shalay si deg-deg ah uga amba-baxay magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa u duulay Kismaayo, kadib qarax ka dhacay magaaladaasi, halka Qoor Qoor uu u dhoofay dalka Kenya, isaga oo kula kulmay saraakiil Imaaraati ah.

Caqabadaha hor-gudban shirka ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysanayey, waxaana weli taagan is mari-waa uu u dhexeeyaa dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland.

Shirweynahan oo daba socda shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa dhameystirka heshiiskii lagu gaaray magaaladaasi iyo arrimaha doorashada.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa weli cakiran, waxaana haatan socda kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayaan dhinacyada siyaasadda, kuwaas oo ka socda Muqdisho.