28.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Galayr oo banaanka soo dhigay ujeedka uu Gaas ka leeyahay kordhinta xildhibaanada

Bookmark
Bookmarked

Share

Buuhoodle (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr ayaa maanta banaanka soo dhigay ujeedka Puntland iyo Cabdiweli Gaas ka leeyihiin Kordhinta Xildhibaanada Maamulkaas.

Madaxweynaha Khaatumo ayaa ka dhawaajiyey kordhinta xildhibaanada Puntland loola gol leeyahay sidii loo dhibaateyn lahaa dadka kasoo jeedo deeganada uu matalo maamulkiisa.

“Warka ka yimid Puntland hadii aydan  maqal waxaa la kordhinayaa tiradii 66-da ahayd ee barlamaanka Puntland ,waxaa la dhaliilayaa 17-ka xubnood ee ay dadkeenu ku leeyihiin halkaas ,hadaba miyaan nalagala tashtay oo wax nalaga weydiiyay ” ayuu yiri Cali khaliif .

“War kuwa Puntland u sabcinaya ee leh Harti bey-nu nahay dantayada bey hayaan, dee istaaga oo dooda oo hala idin qanciyo , annagu horey baanu  uga qanac-naye ” ayuu mar kale yiri Cali oo tilmaamay in tani ay tahay xaq duudsan cad oo ka dhan ah dadka taageersan Puntland.

“Shirkaa london waa maqleyseen aduunweynuhu mida uu usoo jeedo waxaa weeye Wadahadalada Soomaaliya, Nabada wax ka qabaneynaa iyo dowladda Federaalka Gacansiinaynaa, Laakiin meesha nabada ka dhici karto waxa weeye kala go’a koonfur iyo waqooyi sidii lagu daaweyn lahaa”

“ Hore wadahadalo baa u jiray oo u socday Somaliland iyo Xamar, Arrinta hada loo socdaa waxaa weeye waqooyi iyo Koonfur in loo wada hadlo , warbal ninkii talo taa ka fiican hayow mandhow waan ku duceynaynaa ee keen. inagaa talo u baahan, aduunweynihii ayaa sidaa raba” ayuu mar kale yiri.

“War inaga oo keligeen ah, inaga oo keligeen ah meel isma taagi karno, Xamarna waxba kama nihin, Somaliland-na kama nihin, Puntland-na warkeedaba daa”.

Hadalkaan ayaa kusoo aaday xilli dhawaan uu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ka dhawaajiyey inuu Baarlamaanka Puntland u gudbiyey waraaq uu ku dalbanayo kordhinta Xildhibaanada Maamulkiisa.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News