25.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Galeyr oo gaadiid gagaal oo ula ruqaansaday…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Duleedka Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, ayaa sheegaya in halkaasi uu iminka ka socdo abaabul dagaal oo uu Hogaaminaayo Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr.

Cali Khaliif ayaa waxaa Howlgalkaasi ku hogaaminaaya inkabadan Konton Askari iyo Gaadiid Dagaal kuwaasi oo doonaya in dib ay ula wareegaan Maagalada Buuhoodle oo horay looga saaray.

Duulaanka uu qaaday Madaxweyne Galeyr ayaa waxaa xaqiijiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo Abshir C/Casiis oo sheegay inuu yahay mid lagu baacsanaayo Maleeshiyaad Maagalada Buuhoodle xoog ku heysta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Khaatumo, waxa uu intaa raaciyay in Buuhoodle uu iminka ka taagan yahay Cabsi xoogan, islamarkaana dadku ay yihiin kuwo qax ku jira.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Buuhoodle, ayaa waxaa hadda ka ariminaaya Ciidamo lagu sheegay in ay yihiin Maleeshiyo Beeleed kasoo horjeeda Maamulka Khaatumo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News