Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in awooda xafiisyada maamulka Puntland ay gacanta si gaar ah ugu gashay shaqsiyaad ku heeb ah madaxweynaha Maamulkaasi C/wali Gaas.
Dadka kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa cabasho ka keenay qaabka loo maamulaayo Xafiiska laanta socdaalka Puntland iyo halka ay maraan dhaqaalaha kasoo baxa xafiiskaasi.
Xafiiska laanta socdaalka Puntland oo kamid ah Xafiisyada ugu tayada badan misna ugu shaqada badan, ayaa waxa uu hadana yahay mid looga shaqeeyo shuruucyo ka fog nidaamka u degsan maamulka Puntland.
Xafiiska laanta socdaalka Puntland, ayaa waxaa gacanta ku haya ragg ay aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha Puntland, kuwaasi oo la sheegay in dhaqaalaha kasoo baxa Xafiiskaasi u rara aqalka Puntland looga arrimiya taa oo uu ku intifaaco C/wali Gaas.
Dhaqaalaha kasoo baxa Xafiiska laanta socdaalka Puntland, ayaan la marin Wasaarada iyo Xafiisyada ku shaqada leh, sababo la xiriira yagleelida Xafiiskaasi oo dhaxag u noqotay qoysaska ku dhow dhow C/wali Gaas.
Shaqo ahaan Xafiiska laanta socdaalka Puntland, ayaa waxaa soo mara dadka doonaya inay u safraan dalka ethiopia kuwaasi oo ay kamid yihiin dadka xanuunsan ee dawo doonka ah iyo dadka doonaaya in halkaasi ay kasii safraan.
Dhaqaalaha laga qaado dadkaasi ayaa waxaa si toos ah loo geeyaa Madaxtooyada, waxa ayna taasi dareen galisay Mas’uuliyiinta kale ee maamulka Puntland inkastoo aysan awoodin inay ka shanqariyaan howlaha xafiiskaani oo noqday mid u gaar ah hal qoys.
C/wai Gaas oo arrintaano goor sii horeysay lagala hadlay, ayaa waxa uu kusoo jawaabay rajo muujineysa in waxbadan laga bedeli doono, balse waxaa soo ifbaxeysa in ujeedka uu yahay mid cad oo aan sifooyin u baahneyn.
C/wali Gaas ayaa xili hore ka shaqeeyay isku xirka iyo wada shaqeynta Xafiiska laanta socdaalka Puntland iyo xafiiska ku magacaaban safaaradda ee dowladda ethiopia ay ku leedahay magaalada Garoowe, waxaana iminka meel wanaagsan mareysa xiriirka labadaasi xafiis oo iyagu isku dhiidhiiba shacabka ay howlaha kasoo galaan.
Mid kamid ah Hooyooyinka iminka howlaha kasoo qabsatay Xafiiska laanta socdaalka Puntland ayaa sheegtay in xafiiskaasi uu yahay kaliya mid u furan ganacsi.
Dadku waxa ay isweydiinayaan xiliga uu madaxweynaha maamulkaasi kusoo baraarugi doono cadaalada iyo guuxa magaalada.
Docda kale, waxaa jira xafiisyo dhowr ah oo aan inta badan ishu qaban kuwaasi oo uu madaxweynaha maamulka badi ugu roonaaday qoysaskiisa, inkastoo dadku ay yihiin kuwo ay calooshu bukto oo waxbadan iska weydiinaaya dhibaatooyinka qarsoon iyo sida maamulka uu u qarinaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

