Muqdisho (Caasimada Hargeysa) – Wargeys kasoo baxa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa qoray in Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Siilaanyo uu casuumaad u fidiyay Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Faroole.
Wargeyska oo lagu magacaabo Geeska Afrika, ayaa qoray in labadaasi mas’uul ay marti ku noqon doonaan Xafladda gooni isu taaga Somaliland oo ku beegan bishan May 18-da, sida uu wargeysku qoray.
Wargeysku waxa uu qoray in labadaasi mas’uul aysan jawaab ka bixin codsiga Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo balse la filaayo in laga helo ogolaansho ama diidmo cad oo ay ku qaadacayaan casuumaadaasi.
Axmed Siilaanyo ayaa Sheekh Shariif iyo C/raxmaan Faroole u diyaariyay Khudbado ay munaasabadaasi ka jeedin doonaan taasi oo la filaayo inay ku amaani doonaan Somaliland haddii ay go’een iyo haddii ay wali kasii mid yihiin Somalia inteeda kale.
Somaliland ayaa horay u shaacisay inay ka go’day Somalia inteeda kale, inkastoo Caalamka uusan dhag jalaq usiin arrinkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

