24.5 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Sheekh Shariif oo la kulmay Siilaanyo iyo Gaas

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ayaa sheegaya in kulan gaar ah ay wada qaateen madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

Kulanka oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa uu dhexmaray Axmed Siilaanyo iyo Sheikh Shariif, waxaana uu kusoo aadayaa iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Sheikh Shariif uu tagayo magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Lama oga waxyaabaha ay ka wadahadleen labada masuul, laakiin waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ugudbiyay Sheikh Shariif codsiga ka qeyb galka xuska maalinta Somaliland shaacisay iney Soomaaliya ka go’day.

Dhinaca kale wararka aan ka heleyno magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu dhexmaray madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali iyo madaxweynihii hore ee dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Kulankaasi ayaa ka dhacay hotel Kaambiski ee magaalada Jabuuti, waxaana labada masuul ay horey kulan ugu yeesheen dalka Sacuudiga.

Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa sanadkaan ah musharaxa ugu cad cad doorashooyinka dalka marka loo eego musharixiinta kale ee xilkaasi dooneysa.

Shariif-iyo-Siilaanyo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News