Galka shidaal baarista Soomaaliya oo maanta la wareejiyay + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Daahir Shire Maxamed iyo wasiirkii hore Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Daahir Shire ayaa sidoo kale wuxuu la wareegay galka shidaal baarista Soomaaliya oo haatan maraya marxalad wanaagsan, xilli qeybo kamid ah dalka si rasmi ah looga bilaabay sahminta, kadib markii ay Soomaaliya u fasaxday shirkadda Turkish Petroleum helista shatiyada saddex goob oo kamid ah baddeeda.

Ra’iisul wasaaraha oo hadal ka jeediyay munaasabada xil-wareejinta ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ansixisey heshiisyo iyo shuruuc lagu tayeynayo awoodda hey’addaha dowlada, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kal wuxuu xusay in wasaaradda looga fadhiyo dhammaystirka qorshooyinka xukuumadda DanQaran ee ku aaddan soo saarista shidaalka.

“Waxaan rabnaa in wasaaraddani dhabaha u xaarto sidii shacabka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa jiho dhaqaale oo sax ah, la iskuna halayn karo, maadama uu dalkeennu burbursanaa mudo dheer, meeshana ay ka baxeen kaabayaashii muhiimka ahaa ee uu dalku lahaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u mahad-celiyey wasiirkii hore ee wasaaradda sidii masuuliyadda lahayd ee uu ugu adeeggay qaranka muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey wasiirka cusub in uu u fududeeyo shaqada adag ee loo hortaalla.

Wasiirkii hore ee batroolka ayaa dhawaan xilkiisa ku waayey kala aragti duwanaan ku saabsan sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ka qabaan maamulka Hirshabelle, sida uu sheegay.