30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Galmudug iyo Puntland oo durba jabiyay Heshiiska & Dagaal khasaara geystay oo ka dhacay Gaalkacyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa waxa uu qorox dhicii maanta ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka oo muddo socday ayaa waxaa la sheegay inuu bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan Galmudug ay weerar gaadmo ah ku qaaden saldhiga ciidamada Puntland ee galbeedka xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 7-ruux oo shacab u badnaa halka dhaawacana uu ahaa mid intaa kasii badan.

Saraakiisha hogaamineysay Ciidamada Puntland ayaa sheegay in dagaalka ay kaga dhinteen ilaa Afar Askari, waxa ayna xaqiijiyeen in dagaalka uu ahaa mid Jab xoogan uu kasoo gaaray Galmudug.

Galmudug wali kama aysan hadal Dagaalka la sheegay in Ciidamo badan looga laayay.

Dagaalka ayaa kusoo aadaya iyadoo labada Maamul ay kala saxiixdeen Heshiis xabad joojin ah, hayeeshee waxaan muuqan dadaal lagu dhaqan galinaayo Heshiiska.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News