Gaalkacyo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo oo safar shoqo ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta dib ugu soo laabtay Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa kawarbixiyay Safarka uu ku tagay dalka Isutagga Emaaraadka Carabta, gaar ahaan magaalada Abu Dubai, wuxuuna tilmaamay inay ka qayb galeen kulan muhiim ah.
Gaas waxa uu sheegay in kulamadaasi uu ahaa mid u dhexeeyay madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Somalia iyo Dowlada Isutagga Emaaraadka Carabta, waxa uuna tilmaamay inay ka tashanayeen arrimaha Somalia iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu tilmaamay in shirka maamul Goboleedyada ku yeeshen Dubai uu ahaa mid khaas ah, waxa uuna ka gaabsaday inuu sii faahfaahiyo ujeedka gaarka ah ee shirkaasi.
”Waxaan halkaasi kuwada qaadanay kulan guud oo u dhexeeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada qeybta ka ah Dowlada Federaalka waxa uu ahaa mid muhiim u ah Somalia, waxaa kale oo aan isku aragnay Madaxweynaha Galmudug iyo madaxdii kaleba anagoo ka wada hadalnay xaaladda magaalada Gaalkacayo”
”Kulankii noo dhexeeyay aniga iyo C/kariin Guuleed waxaan xal uga gaarnay Colaadii Gaalkacyo insha allah wixii lagu heshiiyay waan hirgalin doonaa ka Puntland ahaan”
C/wali Gaas ayaa sheegay in Puntland aanay waligeed wadin duulaan, isla markaana ay ka shaqeyneysay maslaxada iyo nabadgelyada Soomaaliya, isagoo xusay inay rajeynayaan inay dhamaato colaada Gaalkacyo, lana gaaro xal waara sida uu yiri.
Sidoo kale, waxa uu C/wali Gaas iska fogeeyay eedeyn loo jeediyay oo aheyd inuu lunsaday lacago dowladda Federaalka ugu deeqday Puntland, isagoo been abuur ku tilmaamay warkaas, isla markaana inkiray in wax dhaqaale ama mucaawino ka soo gaartay dowladda Federaalka.
Gaas waxa uu ka gaabsaday ka jawaabida Su’aalo dhowr ah, waxa uuna Weriyayaasha ku qanciyay inuu daalan yahay isla markaana uu wakhti kale siin doono fursado.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

