30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Dil fool-xun oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa magaalada Muqdisho ku toogtay mid kamid ah Odayaasha dhaqanka Soomaalida.

Dilka Odaygaani ayaa ka dhacay Suuqa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegayaa in Kooxda dilka geysatay ay tirro ahaan gaarayaan ilaa Seddex maleeshiyo.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamo ka agdhawaa goobta uu dilka ka dhacay ay qabteen tirro dad ah oo dilkaasi lala xiriirinaayo.

Dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in dhalinyarada dilkaasi loo qabtay ay ku jireen ilaa laba ruux oo dhaawac ah kuwaasi oo iminka lagu hayo baaritaan.

Dilkaani ayaa kamid noqonaaya dilal kala duwan oo ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News