Galmudug iyo Puntland oo gaaray heshiis 5 qodob ah

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta gaaray heshiis 5 qoddob ah, kaasi oo sare looga qabanayo amniga, xasiloonida iyo wada-jirka bulshada gobolka Mudug ee labada maaamul.

Heshiiskaan ayaa lagu gaaray kulan ka dhaqan deegaanka Laama Ari-boob ee gobolka Mudug, waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Mudug, Axmed Xuseen Shire Bukhaari, gudoomiye ku-xigeenka dhanka Puntland Waloore, odayaasha dhaqanka iyo laamaha amniga.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Bulshada Reer guuraaga ah iyo xal u helida deegaamaynta dhulka xoolo daaqeenka ah, taasi oo marar badan kusoo noq-noqotay inta u dhaxaysa deegaano horay looga heshiiyay inay xoolo daaqeen noqdaan,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka lagu gaaray heshiiska.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa laga soo saaray qoddobadaan hoose;

1. Guddiga 14 xubnood ah oo dhaqan ah, islamarkaana xog ogaal u ahaa heshiisyadii degaanada oo ugu dambeeyay heshiisyadii Bandiiradley iyo Goldogob.

2. In la keeno heshiisyadii la kala Qortay.

3. In todobaarkaan layskugu yimaado shir lagu dhamaystirayo hirgalinta heshiisyadii hore.

4. In dib loogu laabto heshiisyadii Bandiiradleey iyo Galdogob.

5. Ilaalinta soodimaha ayna u xilsaaran yihiin ciidamada isku-dhafka ah oo ay xoojinayaan ciidamada booliska iyo daraawiishta labada dowlad-goboleed.