Macallimuu oo si weyn uga horyimid arrin ay ciidamada ku sameeyeen Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa si weyn uga horyimid in lagu dul ciyaaro meydadka dagaal-yahaanada Al-Shabaab, sida ka dhacday deegaan kamid ah kuwa lagu jabiyay kooxda.

Xildhibaan Macalimuu ayaa sheegay in dhaqanka ah in Meydad dushooda lagu dul ciyaaro uusan sax aheyn, islamarkaan uusan aheyn wax dhaqanka Soomaalida iyo tan Diinta Islaamka ku jira.

“Waxaa qabnaa iyada oo lala dirirayo Al-Shabaab oo intaas iyo in kabadan laga laayo ay tahay haddana waa in Diinta iyo Dhaqanka laga tagin. Ma aha in aan kasoo horjeedo dagaalka Al-Shabaab, waxaa ahay dadka ugu horeeyo dagaalka oo waxaa kamid ahay dadka ay dhibaatada badan kasoo gaartay,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Ma rabno in aan sameyno dhaqankii iyagu ay lahaayeen oo Islaamka ayey suurad xumeynayeen, anaga dad Islaam ah ayaa nahay waxaa rabnaa in aan u dhaqano sidii Islaam wanaagsan.”

Xildhibaan Macalimuu ayaa ku dooday in haddii laga aamuso arrintaan ay hadhoo caado iyo dhaqan fool xun u noqoneysa bulshadeena, taasi oo uu sheegay inaysan marnaba inoo wanaagsaneyn.

“Haba-yaraato majirto meel aan ugu qiil-dayayo Al-Shabaab, culimada noo sheegtay inay Khawaarij yihiin oo dilkooda waa banaan yahay. Waxaa ka hadlaya waa wixii ka dambeeyay markii laga adkaaday oo la laayay.”

Arrinta uu ka qeylo-dhaamiyay Xildhibaan Macalimuu inay markale soo laabato ayaa waxaa la rumeysan yahay inay keentay gabood-faladii foosha xumaa ee kooxda kula kacday Shacabka, ayada oo xiligaan kooxda looga adkaaday deegaano badan oo dalka ah.