S/Land oo markii u horeysay ka hadashay xiriirka la sheegay inuu kala dhaxeeyo Shabaab

Hargeisa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay si adag uga jawaabtay eedeymo lagula xiriiriyay kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ay u jeediyeen maamulka Puntland.

Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland, Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani oo warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland magan-geliso kooxaha argagixisada.

“Ninka taliyaha ah ee hadlayey qurbaha ayuu ka yimid dalka wixii ka dhacay ma oga, iskadaa dagaalka kuwii ka horeeyay weydii sidaas baa lagu shaqeyn jiray,” ayuu sidoo kale yiri isaga oo ka jawaabaya hadal kasoo yeeray Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Jeneraal Nuux Taani ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in liiskii u dambeeyay ee shakhsiyaadkii Maraykanku ku tilmaamay argagixisada ay dhamaantood ka soo jeedaan Puntland.

Hadalka Taliyaha ayaa imanaya kadib dhawaan markii uu Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland uu ku eedeeyay Soomaliland inay gacan-siiso argagixisada.

Ma aha markii u horeysay ee maamulka Puntland uu eedeyn noocaan ah u jeediyo Somaliland, ayada oo hore marar kala duwan ugu eedaysay inay xiriir iyo wada-shaqayn la leedahay kooxaha argagixisada, taasi oo uu beeniyay maamulka Somaliland.