Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada Galmudug ayaa gacanta ku dhigay Hub ay ka carareen Ciidamada Puntland kuwaasi oo ay ka muuqdeen calaamada Dowlada Icalaamada.
Hubka ay gacanta ku dhigeen ciidamada Galmudug, ayaa waxaa u badnaa qoryaha fudud iyo Sanduuqyo ay ku jiraan rasaasta A47 iyo Hub kale oo kala ceyn ah.
Hubkaani ay ka muuqato calaamadaha Dowlada Imaaraadka ayaa waxa ay saarnaayen gaari dagaal oo laga qafaashay Puntland.
Hubkaani ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu kamid ahaa Hub dhawaan ka imaaday dalka Imaaraadka kaa oo loogu deeqay Puntland.
Hubkaani ay Imaaraadka ugu deeqday Puntland ayaa shaki galinaaya dagaalka socda waxa ayna tani muujineysaa in dagaalka u dhexeeya labada maamul ay ololineyso Dowlada Imaaraadka oo iminka faraha kula jirta Siyaasada Somalia gaar ahaan DoorashadXasan
Xaalada ayaa iminka u muuqata mid degan waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas culus oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

