24.9 C
Mogadishu
Saturday, February 14, 2026

Gabre: Wey caddahay sifaadka uu leeyahay musharaxa aan taageeri doono

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gen: Gabre oo kamid ah Saraakiisha Dowlada Ethiopia ka jooga Somalia xubina ka ah IGAD, ayaa si farsameysan u sheegay Astaamaha uu yeelan doono Musharaxa Soomaaliyeed oo ay ku taageeri doonaan doorashada 2016-ka.

Gabre ayaa hadalkaasi sheegay xili uu Safaarada Ethiopia ee Muqdisho uu kula kulmay Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada kuwaasi oo kala hadlaayay arrimo dhowr ah iyo Helida Fiiso dal ku gal ah.

Gabre waxa uu sheegay in Siyaasada Somalia ay sii naxuuseyso marba marka xigta waxa uuna dhaliil ka keenay qaar kamid ah Musharaxiinta isu soo taagtay xilka Madaxweyninimo ee Somalia.

Waxa uu Gabre sheegay in Dowladiisa ay dooneyso kasbashada shaqsiyaad gaara, oo ay garanayaan sifaadkiisa, waxaana kamid ah ayuu yiri ”Xoojinta xiriirla labada dal, Unugaanshiyaha amarada Ethiopia iyo in talaabo waliba uu kala tashtaa Dowlada Ethiopia”.

Gabre oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ”Xakameynta Siyaasada Somalia waa maslaxada Ethiopia sidaas darteeda waa inaan la soconaa halka ay cagta dhigeyso Somalia”

Waxa uu tilmaamay in ujeedka ugu weyn Ethiopia uu yahay in lugta ay kula jirto Siyaasada Somalia, waxa uuna si maldahan u sheegay in Musharaxiin dhan 3 ay taageerayaan si ay u hantaan Somalia.

Mid kamid ah Siyaasiyiintii la fadhisay Gabre xiliga uu hadalkaani sheegaayay ayaa inoo xaqiijiyay in Gebra uu aad u daneynaayay helida Madaxweyne cusub oo u jilicsan Ethiopia.

Waxa uu sheegay in Gabre uu iminka ka shaqeynaayo in mid kamid ah Musharaxiinta ugu miisaanka culus ay dhaqaale ku qufaan si uu codadka ugu badan u helo.

Dowlada Ethiopia ayaa faragalin muuqata ku heysa arrimaha Somalia, waxa uuna ujeedkeeda ugu weyn yahay inay hesho wadadii ay Somalia kusii burbursanaan laheyd.

Haddalka Gebra ayaa imaanaya iyadoo Dowlada Ethiopia ay marti galineyso Musharaxiinta ugu badan, kuwaasi oo ku qulqulaaya magaalada Addis Ababa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News