Galmudug oo eedeyn kulul u jeedisay RW Kheyre iyo MD Farmaajo

Cadaado (Caasimadda Online) – Maamulka Galmudug ayaa soo saaray Warsaxaafadeed ku saabsan Faragelinta Galmudug ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ku heyso maamulka Galmudug.

Wasiirka warfaafinta  Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawaa) ayaa sheegay in hoggaanka dawalda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo ay ku hayaan Galmudug  faragelin qaawan.

1. In  maamulka Galmudug uu ku faraxsan yahay sida dadka gobolka diyaar ugu yihiin difaaca maamulka iyada oo loogu baaqay dadwaynaha reer Galmudug in aysan dheg-jalaq u siinin kuwa ka shaqeynaaya tafaraaruqa iyo kala qaybsanaaanta.

2. In maamulka Galmudug ka shaqeyn-doono danta iyo maslaxada Galmudug iyaga oo shacabka ka codsaday in ka shaqeeyaan midnimada iyo Wadajir ka Galmudug.

Faragelinta dowladda Federaalka Ah: Waxaa wax aad looga xumaado ah in Hoggaanka Dawalda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha ay faragelin qaawan ku sameynayaan Galmudug, iyagoo adeegsanaya xasaasiyad iyo caadhifad qabiil si loogu dhaawaco midnimada iyo Wadajirka Galmudug. Waxay isku deyayaan iney carqaladeeyaan wadahadalka Galmudug iyo walaaleheen Ahlu-Sunna Waljameeca. Waa wax lala yaabo sida hogaanka dalka loogu aaminayo rag kala qaybin qabiil Galmudug ka dhex wada.

Mr. Xaaf ayaa ugu baaqay xildhibaanada Galmudug ku metala labada gole in ay ka soo dhalaalaan kaalinta uga aadan Galmudug isaga oo intaa raaciyay in taariikhdu qori, dadwaynaha reer Galmudugna kala garan doonaan cidii wanaag ku metashay Galmudug iyo cidii in ay gumayso go’aansatay”.

Federaalka iyo dowladaha Xubnaha Ka Ah: kollkii ay dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah dawaldda Federaalka ka sugayeen wadashaqayn iyo iskaashi ayey dawalda Federaalka xasarad abuur iyo colaad ku bedeshay. Waxay baabi’iyeen Madashii qaran, haatana waxay doonayaan in maamulada dumiyaan. Hadaba Waxaan ugu baaqayaa in ay meel uga soo wada jeestaan faragelinta qaawan ee ay Dawlada Federaalka ku hayso Dawlad Goboleedyada. Waxaan kaloo soo jeedinayaa in ay shir degdeg ah oo arrinkaas looga arrinsanayo isaga yimaadaan”.

Beesha Caalamka:  “ Beesha Caalamka way arkaan in Dawlada Federaalka ay ku hawlan tahay duminta iyo kala dirka Dawlad Goboleedka. Waxaan leenahay Dawlada Federaalka way gabtay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka. Hadaba waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka in ay arrinkan sida ugu dhaqsaha badan ugu soo joogsadaan