Madaxweyne Xaaf oo maanta Cadaado geliyey xaalad cusub kadib markii uu bilaabay mushaar bixin

Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta Magaalada Cadaado ee xarunta Maamul Galmudug geliyey xaalad cusub kadib markii uu dhammaan shaqaalaha, Ciidamada iyo Baarlamaanka Galmudug  ka safay mushaaraad.

Sida ay Caasimadda Online wararka ku heleyso Madaxweyne Xaaf ayaa bixiyey mushaarka Ciidamada Booliska, Nabad sugidda iyo Baarlamaanka Galmudug .

Mushaarka la bixiyey ayaa isugu jiray bishaan hadda socoto iyo 3 bil oo horey loogu lahaa madaxweynihii hore Cabdikariin Xuseen Guuleed kaasoo iska casilay xilkiisa .

lacagta la bixiyey ayaa maanta si weyn looga dareemay Magaalda Cadaado iyadoo gashay xaalad cusub oo laga dareemay dhammaan meelaha ganacsiga iyo guryaha.

Waxaa sidoo kale la sheegay inaan maanta mushaar la siin Ciidamada Daraawiishta, balse wuxuu madaxweyne Xaaf u sheegay saraakiishada Caadimadaas in Mushaarkooda ay qaadan doonaan Maalinta Berri ah.

Madaxweyne Xaaf ayaa si toos ah u bixinayey mushaarka maamulka Galmudug tan iyo markii xilkaas loo soo doortay.

Mushaar bixintaan ayaa kusoo aadeyso xilli uu meel sare gaaray khilaafka madaxda ugu sareyso Galmudug, iyadoo ay is garab socdaan qorshayaal kala duwan oo mid lagu doonayo in xilka looga qaado Xaaf halka mid kalana lagu difaacayo.

Sida xogta hoose sheegeyso Madaxweyne Xaaf ayaa heysto taageero badan baarlamaanka Galmudug ah, Sidoo kalana waxaa la sheegayaa inay Golaha Wasiirada intooda badan ay taageersan yihiin go’aanka Xaaf, waxayna qodobadii dhawaan ay soo saareen u muuqdeen kuwa lagu taageerayey madaxweynaha.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.