Galmudug oo shaki gelisay shirka Xalane, shaacisayna nooca shir ee ay dooneyso

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa shaki weyn geliyey shirka Xalane, islamarkaana sheegay inay doonayaan shir ay Soomaalida dhexdeeda is-maamusho, oo ay marti geliyaan dowladda federaalka ama dowlad goboleedyada.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo wax laga weydiiyey hadii ay jiraan shuruudo ay Galmudug ku xirtay ka qeyb galka shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada lagu wado ay ku yeeshaan xerada Xalane ee beesha caalamku ka degantahay Muqdisho.

Wasiir Falagle oo u waramay TV-ga Dalsan ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay qabaan in Soomaalidu ay kaligeed wada-hadasho oo aan loo dhaxeyn, sidaas darteedna ay doonayaan in shirka soo socda ay marti geliso dowladda federaalka ama mid ka mid ah maamul goboleedyada.

“Galmudug waxay ka aaminsantahay shirarka Soomaalida, khilaaf-yadeyda iyo howlaheeda inay iyadu xalisato, sida aad ogtihiin shirarkii ugu badnaa ee doorashada Galmudug ayaa lagu qabtay, waxna waa lagu heshiiyey, waxna waa weli, marka Soomaalidu khilaafkeeda inay iyadu xalisataa loo baahan yahay, mar kastana isku filnaashaha Soomaaliya ayaan u taaganahay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Falagle.

Waxa uu sheegay in xerada Xalane ay Soomaaliya ku taallo, laakiin Galmudug ay dooneyso in shirka looga hadlayo doorashada ay dowaldda federaalku hoggaamiso ama dowlad goboleed kale uu gogosha dhigo.

Mar uu soo hadal qaaday safarka madaxweyne Qoor Qoor uu ku joogo Turkiga ayuu yiri, “Madaxweynuhu caafimaad uma tigin dalkaas, ee sida aad ogtihiin Turkigu waa dalka noogu kaalmeynta wanaagsan, marka xiriir Galmudug iyo Turkiga ah ayuu ku qotomaa safarka madaxweyne Qoor Qoor, Covid-19 wixii uu nagala qaban karo, waxbarashada iyo xaga amniga oo ciidamadii Daraawiishta Galmudug oo tababarka dhameystay ay qalab u baahan yihiin, marka shaqa guud oo Galmudug ah ayuu madaxweynuhu la wadaagayaa Turkiga,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

Hoos ka dhageyso wareysiga