GALMUDUG oo tallo amni siisay DF

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa dowladda Soomaaliya kula taliyay haddii aysan ammaanka Muqdisho sugi karin in ay u guuraan magaalooyinka kale ee dalka sidda Jowhar iyo Baydhabo.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Cabdisamad Nuur Guuleed oo maanta shir guddoominaayay kulan uu yeeshay golaha wasiiradda maamulkaas, ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay sugto ammaanka mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka bulshadda wax tarka u leh.

Wuxuu sheegay haddii ammaanka Muqdisho aan la sugi karin in ay dowladda u guurto deeganno kale oo ka ammaan roon caasimada.

Wuxuu sheegay magaalada Muqdisho in ay ku sugan yihiin hey’addaha dowladda, kuwa QM iyo sidoo kale howgalka Midowga Afrika ee AMISOM sidaas oo ay tahay haddana in maalin kasta lagu dilo qof muhiim u ah bulshadda.

Madaxweyne ku-xigeenka mamaulka Puntland ayaa tilmaamay in Saado Cali Warsame ay ka geeriyooday dhammaan ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin.

Ugu dambeyn wuxuu tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo dadkii ay ka baxday Saado Cali Warsame oo shaley kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Caasimada@live.com