AKHRISO: 15 qodob oo DF Somalia ee madaxweyne XASAN SH laga dhaxlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog wareysi sameysay Shabakada Caasimada Online, ayaa waxaa lagu Ogaaday in Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh laga dhexl 15 qodob oo yaab badan

Shabakada oo Xog uruurin iyo daraaseynba ku sameysay Khaladaadka laga dhex lay Dowlada Madaxweyne Xassan ayaa waxaa kamid ah:-

1-  Hoos u dhac baaxad weyn oo laga dareemaayo Ammaanka Magaalada Muqdisho, laga soo bilaabo doorashadii uu Xassan ku guuleystay illaa hadda.
2-  Siyaasada Dalka oo aan furfurneyn iyo Caajis ku dhacay Diplumaasiyiinta.
3-  Dilal is daba-joog ah
4-  Qaraxyo aan dhamaad laheyn.
5-  Shirar iyo kullamo aan natiijo laheyn.
6-  Baarlamaan aan iyaguba is aqoon.
7- Siyaasiyiin war xumo iyo Fashilba ku tilmaama Madaxweynaha qudhiisa.
8-  Mooshino aan biyo dhacooda la aqoon.
9-  Saxiixa Wasiirada qaar oo aan laga aqoonsaneyn Xafiisyada Dowlada.
10- Wasiiro aan laheyn Xafiisyo.
11- Xafiisyada Dowlada oo noqday goobo lagu qaxweeyo.
12- Tiro koob la’aanta shaqaalaha Dowlada.
13- Shaqaale Mushaar la’aan ah.
14- Safaro aan kala go’ laheyn.
15- Tacsi iyo cambaareyn aan ficil lahayn

Qodobadaani waxa ay qeyb ka yihiin Qodobo badan oo ay shacabku ka cabanayaan, waxaana jiro Qodobo intaa kasii badan oo ay ka cabanayaan wallow aan intaani u aragno inay yihiin munaasab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com