Xildhibaannada BFS oo cambaareeyey tallaabadii uu ururka Midowga YURUB meel uga dhacay qarannimada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul ugu hadlay booqasho ay Kismaayo ku tageen wafdi ka socda Midowga Yurub oo halkaasi kulan kula yeeshay Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka KMG ah.

Xildhibaanadan oo saxaafadda kula hadlay hotelka Saxafi saaka waxey sheegeen in Dowladda dhexe ay ceeb ku tahay in waddankii ay masúuliyadeeda sheeganeysay la iska soo galo iyada oo aan lagu soo wargelin socdaalka wafdi heer caalami ah, waxaana mid ka mid ah xildhibaanadaasi oo ku hadlayey codka inta kale uu sheegay in shaqsiyaadka madaxda ka ah Dowladda lagu tilmaami karo kuwa ka cabsanaya xilka culus ee ay Qaranka u hayaan, sida uu yiri Xildhibaankaas.

“Federaalku inuu yahay masiibo ummada la soo dhex dhigay yahay waxaa ka marqaati kacaya sida hayádaha caalamiga ah & Dowladaha shisheeye iyaga oo aan ruqsad ka qaadan Dowladdii dhexe ay isaga soo galayaan dalkii oo ay kulamo la yeelanayaan Madaxda Maamul Goboleedyada, taasi waa mid ka horimaaneysa nidaamka Dowladnimo ee curdunka ah. Aniga kuwa sidaa sameynaya waxaa igala sii liita Dowladda ka aamusan, war Madaxweyne hadal ileyn Qarankii adigaa u dhaartaye” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Muxumad oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka saddexdooda ay ka been sheegayaan kitaabkii ay ku dhaarteen ee ahaa in ay dalka & dadka daacad u noqonayaan, kuna dhaqmayaan dastuurka dalka.

“Sidee ayey ku dhici kartaa in Wafdi ka socda Yurub isaga oo aan soo wargelin Dowladda dhexe in ay si gooni ah ula shiraan maamulada dalka, waa dhacday, haddana waa dhacday waana sii socotaa, haddii aan laga hortegin waxaa imaaneysa xaalad taas ka sii xun” ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq, waxaana uu intaasi sii raaciyey;

“Waxaa dhagaha la idin kugu shubay, oo la idin ku celceliyey in Dowladda Soomaaliya ay tahay Dowlad tabar-darran, marar badan oo horana waa la idin tijaabiyey, tijaabadii waxaa ku xigay in Madax ka tirsan Maamul beeleedyada dalka ka jira, in iyaga oo ku ciyaaraya nidaamka Dowladeed ay safaro dibedda ah keligood u ambabaxeen, lana kulmeen Madaxweynayaal Dowlado kale, xittaa haddii ay dhab ka tahay in ay ku dhaqmayaan Federaal, ma jiraa Federaal u ogolaanaya Gobolada dalka in inta ay diyaarad qaataan ay la kulmaan Madaxweynayaal dalal kale.? Madaxda dalku waa in ay qaataan tillaabo geesinimo leh oo ay dalka ku badbaadinayaan haddii kale ay meesha isaga tagaan”.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com