Jahwareer heysta odayaashii Hiiraale & Axmed Madoobe u kala warqaadayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Odayaashii u kala warqaadayay Hoggaamiyayaasha ay Colaada ka dhaxeyso ee Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale uu soo food saaray Jahwareer.

Odayaasha ayaa ku jahwareeray Hanjabaado ay hawada isu marinayaan Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale, waxa ayna sheegayaan in go’aan waliba oo ay isla meel dhigaan Hoggaamiyayaashaasi si sahlan ay uga baxaan.

Abuukar Maxamuud oo ka tirsan Odayaasha, ayaa waxa uu shabakadani u xaqiijiyay in kulamo kala duwan ay la qaateen labada Hoggaamiye balse markii ay kusoo baxaan go’aan ay dib uga baxaan Hogaamiyayaasha, waxa uuna Tilmaamay in Arrin cajiib ah ay ku noqotay.

Waxa uu sheegay inay walaac ka qabaan in inta ay la kulmayaan Hogaamiyayaashasi ay bilaaban Dagaal u dhexeeyo, isagoona taasi u sababeynaayo heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafkooda.

“’Waa inoo nasiib daro inaan kalsooni ka weyno Axmed Madoobe iyo Barre Hiirale, waayo waxa ay mar waliba nooga baxaan balamaha aan la dhigano, mid waliba ballan ayaa la gaareysaa hadana waji kale ayaa ugu imaaneysaa’’ ayuu yiri Abuukar Maxamuud

Dhanka kale, Abuukar Maxamuud waxa uu baqdin ka muujiyay inay suuragal tahay in Wakhti waliba uu Labada Hogaamiye dhex maro Dagaal, isagoona sheegay in Ciidamadooda ay is hor fadhiyaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com