Xog: Shariif Xasan oo hubkii dowladda SOMALIA daad-gureystay + Qorshihiisa

Muqdisho (Caasimada Online)– Iyadoo weli ay muuqdaan dhibaatooyinka ka dhashay shirkii Maamul u samaynta Gobolada Koofurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa hadana socdo Siyaasade hoose oo lagu Ololinaayo Khilaafaatka u dhexeeyo Siyaasiyiinta Maamulada Seddexda Gobol iyo Lixda Gobol.

Siyaasadaha is diidan ee halkaasi ka taagan ayaa waxaa shidaal kusii daraayo Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool oo uu  koow ka yahay Xildhibaan Shariif Xassan Sheekh Aadan oo isagu taageersan maamulka 3-Gobol.

Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool, ayaa inoo xaqiijiyay in Shariif Xasan uu dhaqaale culus ku bixinaayo istaajinta Maamulka Lixda Gobolka, waxaana la sheegayaa in Hub iyo dhaqaale uu dhawaan u diray Maamulka Seddexda Gobol la geeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ilo wareed ka tirsan Maamulka Lixda Gobol Ee koofur Galbeed Ee Somaaliya, ayaa  xaqiijiyay in Shariif Xassan uu Jimcihii lasoo dhaafay Maamulka 3-Seddexda Gobol ku wareejiyay dhaqaalo la sheegay in lagu iibinaayo Hub lagula dagaalamo maamulka kasoo horjeeda, waxaana la tilmaamayaa in bishii lasoo dhaafay uu sidoo kale bixiyay Hub la rumeysan yahay in laga daad gureeyay Xarumaha Dowlada, gaar ahaan baqaarada hubka loogu keydiyo DFS.

Shariif Xassan oo kaashanaayo Saraakiil kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool, ayaa waxa uu si xatooyo ah u adeegsanayaa Hubka Dowlada, iyadoona ay garab kusiinayaan Madax ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia.

Sidoo kale, Dhaqaalaha hubka lagu iibinaayo ayaa waxaa qeyb ka bixinaayo Xildhibaano ay kamid yihiin Maxamed Ibraahm Xaabsade, Xildhibaan Afaraale iyo kuwa kale, kuwaasi oo geed fadhi u ah Siyaasadaha is Khilaafsan ee uu dhaxeeyo Maamulada Lixda iyo Seddexda Gobol.

Dowlada Federaalka Somalia, ayaa u kala hiilineyso Siyaasiyiinteeda, waxa ayna sidoo kale dab iyo Bansiin ku heysaa Maamulada qaar, halka qaarna ay ku fangareyneyso dhaqaale iyo Hub.

Dhanka kale, Dowlada Federaalka Somalia ayaa waxa ay kor kala soctaa dhaqdhaqaaqyada uu Shariif Xasan ku bixinaayo Hubka Dowlada iyo dhaqaalaha, wallow warar hoose ay sheegayaan in Hubkaasi loogu deeqay Maamulka 3gobol ay si ku talagal u bixisay Dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com