XOG: Xasan iyo Faarax oo is-khilaafay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Madaxtooyada Somalia ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir ay isku fahmi la’yihiin hanaanka loo kala qeybinaayo Safaaradaha Dowlada Somalia ay ku leedahay Caalamka intiisa kale.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Madaxweyne Xassan Sheekh uu wado qorsho cusub oo uu ku magacaabayo 20-Safiir kuwaasi oo badi lagu badali doono Safiirada DFS ka jooga Yurub iyo Asia.

Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu xilalkaasi la damacsan yahay Siyaasiyiinta aan iyagu xilka ka heyn Dowlada Federaalka Somalia, waxaana arrintaasi hortaagan Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Faarax C/qaadir oo isagu ku doodayo in xilalkaasi loo magacaabo Shaqsiyaad ka tirsan DAM-JADIID oo loo soo xulaayo qaab qabiil oo 4.5 ah.

Kulan gaar ah oo dhex maray Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Wasiir Faarax C/qaadir oo ay uga tashanayeen Safiir ay DFS u magacaabeyso Safaaradahooda Caalamka, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Faarax C/qaadir uu doonayo in wiilal uu adeer u yahay ku biiriyo magacaabista safiirada cusub.

Kulanka ayaa waxa uu biyo dhiciisu noqday mid aan leysu fahmin, iyadoona Xassan Sheekh uu ka caga jiidayo in la faragaliyo Magacaabista Safaaradaha , maadama Xukuumadiisu lagu eedeeyo inay ku qadaan Beelaha qaar.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in dhawaan ay bilaabato Magacaabista Safiirada Cusub, iyadoona Safiirada soo socdo ay u badnaan doonaan isku bedel lagu sameeyo Safaaradaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com