C/WELI GAAS: Ma aqbaleyno in SAADO Cali Warsame lagu aaso MUQDISHO

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay in meydka fannaanadii weyneed ee Saado Cali Warsame lagu aaso magaalada Muqdisho, inkasta oo hadalkooda kadib uu aaskii dhacay..

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlaayay dilka loo geestay marxuumada ayaa sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo in lagu aaso meydka Saado Cali magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in Saado Cali Warsame ay ka soo jeedo isla markaana ay ahayd xubin baarlamaan oo mataleysa Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Gaas oo horrey ra’iisal wasaare uga soo noqday Soomaaliya ayaa sidoo kale dowladda ka dalbaday in ay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiig-layaasha dilay marxuumada oo shaley lagu toogtay meel u dhow hotelkii ay daganeed oo ku yaalla degmada Hodan.

Puntland oo tiri Ma aqbaleyno in Saado Cali Warsame lagu aaso Muqdisho
Puntland oo tiri Ma aqbaleyno in Saado Cali Warsame lagu aaso Muqdisho

Wuxuu sheegay in marnaba la aqbali doonin in dambiilayaasha dilay xildhibaannad Saado ay baxsadaan oo ay magaalada iska socdaan.

Dhinaca kale, Cabdiweli ayaa sheegay in maamulka Puntland iyo dowlada federaalka ah ay ka dhexeeyaan arrimo badan oo muhiim ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in la xoojiyo wada shaqaynta labada dhinac.

Gaas ayaa tilmaamay in wada hadalku yahay furaha kalsoonida ummadda, wuxuuna xusay in wada shaqaynta labada dhinac ay tahay lagama maarmaan.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in wada shaqaynta wanaagsan uu saldhig u yahay ku dhaqanka dastuurka u degsan dalka.

Si kastaba, meydka allaha u naxariistee Saado Cali Warsame oo loo sameeyay aas-qaran ayaa lagu aasay qabuuro Isbitaal Madiina, waxaana ka qeygalay madaxda dowladda sidda ra’iisal wasaaraha, guddoomiyaha gobalka Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka, wasiiro, xildhibaanno iyo fannaaniin Soomaaliyeed.

Saadi Cali Warsame in ay xildhibaannad noqoto waxaa gacan weyn ka geestay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole, oo wuxuu ka mid ah xubno uu soo xishay oo lagu daray baarlamaanka markii la sameenayay sannadkii 2012-ka.

Marxuumada ayaa in muddo ku noolayd dalka Maraykanka, waxaana ay dalka ku soo laabatay seddax sanno ka hor.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com