Mas’uul xil sare u hayey Somalia oo uu maanta xilka ka qaaday Faarax Cabdul Qaadir iyo hanjabaad culus oo uu diray

Muqdisho (Caasimada Online) – War aan goor dhow ka helnay  Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in xil ka qaadis lagu sameeyay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya Cabdul Qaadir Maxamed Muuse.

Warar horudhac ah oo aan Villa Somalia ka heleyno, ayaa tilmaamayo in xil ka qaadista Xeer ilaaliyaha uu ka dambeeyay Wasiirka Dastuurka Faarax Sheekh C/Qaadir, waxa uuna xil ka qaadista ka hor uu Qoraalo u gudbiyay Golaha Wasiirada waxa ayna Wasiirada qalinka ku duugen in Wasiirka uu xor u yahay xil ka qaadista Xeer ilaaliyaha, sidaana xilka ugu qaaday.

Goluhu wuxuu cod aqlabiyad ah xilkii uga qaaday Xeer ilaaliyii hore, isla markana wuxuu u magacaabay mudane Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo khibrad iyo aqoon dheer u leh sharciga iyo arrimaha Cadaaladda.

Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Cabdul Qaadir Maxamed Muuse, waxa uu sheegay in xilka uu uga degi karo kaliya Wareegto kasoo baxda Xafiiska Madaxweynaha, islamarkaana aysan u furneyn qaab ka duwan qaabkaasi uu xilka uga dago.

C/Qaadir Maxamed Muuse, waxa uu tilmaamay in xil ka qaadistaasi ay sababi karto in Dalka Somalia uu galo xaalad ka duwan kan iminka ka taagan Muqdisho, wuxuuna hanjabaadasi uu sheegay xilli uu la hadlaayay Idaacadda KNN ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in xilka uusan ka dagi doonin illaa looga keeno Wareegto ku saxiixan Madaxweynaha, wuxuuna ka digay in bur-bur iyo dhibaato ka dhaco dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com