Galmudug oo ‘Wanted’ u aqoonsatay Sheekh Shaakir iyo saraakiil badan + Video

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska booliska Galmudug ayaa soo saaray liiska 36 qof oo lagu raad joogo, kuwaas oo loo heysto hurinta dagaalkii ay Ahlu-Sunna ku soo qaaday Dhuusamareeb, dadkaan waa ku jira Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo saraakiil kale.

Madaxda howlgallada booliska Soomaaliya ee ka howlgala Galmudug Dhamme Nuur Cilmi Maxamed oo warbaahinta u akhriyey bayaankii kasoo baxay Taliska booliska ayaa soo bandhigay sawiirada dadka la doon-doonayo.

Dadkaan lasoo bandhigay ee lagu raad joogo ayuu sheegay Taliye Nuur Cilmi inay ku dhuumaaleysanayaan deegaano ka tirsan Galmudug, isagoo bulshada reer Galmudug ka codsaday in dadka ku jira liiskaan ay booliska lasoo wadaagaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan, si sharciga loo hor keeno.

Sidoo kale dowlad goboleedyada deriska la ah Galmudug iyo dowladda federaalka ayaa bayaankaan looga codsaday inay ku garab siiyaan maamulka Galmudug, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa saraakiishaan ka tirsan Ahlu-Sunna.

Saraakiisha ku jirta liiska dadkaan ay Galmudug doon-dooneyso waxaa ka mid ah Sheekh Shaakir Cali Xasan, Taliyihii aas-aasay ciidanka Ahlu-Sunna Jeneraal Cabdullahi Xaaji Diiriye (Hanbacoor), guddoomiyihii hore ee Dhuusamareeb Cabdullahi Beentaa, Taliyihii hore ee NISA – Galmudug, G/Sare  Cabdullahi Cabdi Raage iyo saraakiil kale.

Sidoo kale liiskaan waxaa ku jira saraakiil badan oo horay uga tirsanaa jiray ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dib ugu laabtay ciidanka u dagaalama Ahlu-Sunna ee dhowaan uu Sheekh Shaakir ka aas-aasay galbeedka gobolka Galgaduud.

Hoos ka daawo Dhamme Nuur Cilmi iyo sawirada dadkaas